Khasaaraha Dab Ka Kacay Dhisme Soomaalidu Deganaayeen Gobolka Minnesota Oo Kordhay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Khasaaraha Dab Ka Kacay Dhisme Soomaalidu Deganaayeen Gobolka Minnesota Oo Kordhay

Minneapolis, Mareeg.com: Khasaaraha ka dhashay dhisme Soomaali deganaayeen oo ku yaalla gobolka Minmesota ee dalka Mareykanka ayaa kordhay iyadoo halkaas laga soo saaray meydka qof aad u gubtay.

Cusmaan Axmed Sheekh oo ka mid ah Soomaalida ku dhaqan maaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ayaa dhanka kale sheegay in mid ka mid ah dadkii ku dhaawacmay dabka ka kacay dhismaha uu xalay ku geeriyooday Isbitaalka.

“14-ruux ayaa ku dhaawacantay dabka oo labo ka mid ah ay haween ahaayeen, labo dhaawacooda waa daran yahay, waxaana dhintay mid ka mid ah dadkii dhaawaca culus ahaa” ayuu yiri Cusmaan Axmed Sheekh oo la hadlay VOA.

Waxaa uu sheegay in gebi ahaanba uu bur buray dhismaha uu dabka qabsaday, isagoo tilmaamay in ilaa iyo hada ay ku geeriyoodeen dabka ilaa saddex ruux.

Dhaqaatiirta Caafimaadka magaalada Minneapolis ayaa sheegaya in qaar ka mid ah dhaawacyada ay yihii kuwo bur bur dhanka lafaha ah qaba, kadib markii ay isku dayeen inay daarta ka boodaan markii uu dabka qabsaday.

Dabkaan khasaaraha geystay ayaa 1-dii bishaan ka kacay kacay dhisme sadex dabaq ah oo ay Soomaali ku lahaayeen ganacsi, deegaan iyo masjid.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!