Khamri farabadan oo lagu qabtay dekedda Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Khamri farabadan oo lagu qabtay dekedda Muqdisho

Mareeg.com: Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa dekeda Muqdisho ku qabtay labo koonteenar la sheegay inay ka buuxeen Khamri, iyadoo halkaas lagu wado in loogu soo bandhigo Saxaafada.

Konteenarada khamriga ah ayaa waxaa laga dejiyay mid ka mid ah maraakiib ku soo xirtay dekeda Muqdisho, waxaana la sheegay in la doonayay in si qarsoodi ah loo soo geliyo magaalada.

Saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka dekeda Muqdisho ayaa xaqiijiyay in labada konteenar loo qabtay dadkii waday, inkastoo aan la ogeyn cida ay yihiin.

Mas’uuliyiin uu horkacayo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Dahir ayaa gaaray dekeda Muqdisho.

Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka mamnuuc ah ka ganacsiga iyo cabitaanka Khamriga, inkastoo haddan siyaabo qarsoodi ah dalka loo soo geliyo.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!