Khaliif Ereg oo loo magacaabay wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya

Mareeg.com: Kadib markii xalay markii labaad Alshabaab weerar ku qaadeen madaxtiiyada Soomaaliya ayaa R/wasaare C/weli Sheekh magacaabay wasiirka Amniga Qaranka, kursigaas oo banaanaa tan iyo markii uu xilkaas iska casila C/kariim Xuseen Guuleed.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Musftaf Sheekh Cali Dhuxulow oo shir jaraa’id warbaahinta ugu qabtay wasaradda warfaafinta ayaa sheegay in wasiirka amniga qaranka loo magacaabay, S/guuto Khaliif Axmed Ereg.

Khaliif Axmed Ereg ayaa horay u ahaa xilligii dowladdii Shariif Sheekh Axmed Taliyaha hay’adda Nabadsugidda ee gobolka Banaadir, waxaase xilkas ka qaaday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ereg waxey siku beel yihiin wasiirkii hore ee Amniga Qaranka C/kariim Xuseen Guuleed, kaasoo xilka iska casilay dhgamaadkii bishii May 2014 markii la weeraray baarlamaanka Soomaaliya oo shir caadi ah ku jiray.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245