Khalalaaso ka taagan Puntland iyo Soomaaliland

Read Time:55 Second

Saacadihii la soo dhaafay waxaa khalalaaso siyaadeed ay ka taagan yihiin deegaano iyo degmooyin katirsan Maamulada Puntland iyo Soomaaliland,kuwaas oo salka ku haayo dhowr waxyaabood.

Magaalada Hargeysa waxaa ka taagan xiisad u dhaxeeysa Madaxda Xukuumadda Soomaaliland iyo Xisbiga WADANI taas oo sababtay in Xubno kamid ah Xisbiga WADANI Xabsiga la dhigo.

Sidoo kale Maanta waxaa Ciidamada Booliska Soomaaliland ay la wareegeen Xarunta Dhexe ee Xisbiga Wadani ku leeyahay Hargeysa,hayeeshee ay xoog ku galeen Guddooomiyaha Xisbigaas Cabdiraxmaan Cirro iyo qaar kamid ah taageerayaashiisa.

Dhinaca kale waxaa khalalaaso siyaasadeed iyo mid amni ay ka taagan tahay deegaano katirsan Puntland,kadib markii Ciidamo katirsan kuwa Daraawiishta Puntland ay Maanta rasaaseeyeen gawaari uu la socday Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Puntland  Cabdisamad Maxamed Gallan,xilli uu marayay deegaanka Carmo ee Gobolka Bari.

Is rasaaseyn kooban oo ka dhacday degmada Carmo ayaa waxaa la sheegay in uu ku dhaawacmay hal askari,waxaana ugu dambeyn soo kala dhex-galay Odayaasha iyo waxgaradka Magaalada Carmo.

Si kastaba khalalaasaha Siyaasadeed ee xilligaan ka jira deegaano ka kala tirsan Soomaaliland iyo Puntland ayaa waxaa la sheegaa inay ku lug leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.