Khalaafada Islaamiga ah (ISIS) oo aqbashay xubinimada Boko Haram
Mareeg.com: Daacish ayaa aqbashay yabooh is gaashaanbuursi ah oo kaga yimid kooxda Boko Xaraam ee dalka Nigeria, taasoo hogaamiyaheeda Abubakar Shekau oo todobaadkii hore cod uu soo diray ku sheegay inuu beyco la galay Abubakar Al-baqdadi oo ah hogaamiyaha dowladda Islaamiga ah (Daacish).
Daacish (ISIS) ayaa soo saaray codka Afhayeenkooda Abuu Maxamed Al-Cadnaani oo sheegaya in uu u hadlayo hoggaamiyaha kooxdaasi Abuu Bakar Al-Baqdadi oo sheegay in uu soo dhaweynayo adeecidda walaalahooda Boko Haram.
Alcadnani ayaa sheegay in Khalaafada Islaamku gaartay galbeedka Afrika, wuxuuna dadka ugu baaqay iney u haajiraan dhulka Islaamka.
Boko Haram waxay sabtigii la soo dhaafay boggeeda twitter-ka ku sheegtay in ay adeeceyso ururka khilaafada islaamka ee loo yeqaanno Daacish.
Boko Haram oo la aasaasay sanadkii 2002, balse howlgashay sanadkii 2009 ayaa markii hore ku bilaabatay iney ka hortimaado waxbrashada Reer Galbeedka, iyadoo magaca Boko Haram oo kasoo jeeda Afka Howsaha uu macnihiisu yahay “Waxbarashada Reer Galbeedku Waa Xaaraam”.
Boko Haram oo weeraradeeda u gudbisay dalalka deriska la ah Nigeria, sida Niger, Cameroon, iyo Chad ayaa dishay kumanaan dad ah, waxeyna gubtay tuulooyin farabadan oo dadkii deganaana ay barakicisay.
Mareeg Media
Comments are closed.