Keyse: Xasan Xanafi waxaa maxkamada ciidama ka yaalla dhowr dacwo

Read Time:54 Second

Mareeg.com: Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta si rsami ah u sheegtay in nin la sheegay inuu ka tirsan yahay Alshabaab oo lagu magacaabo Xasan Xanafi, laguna qabtay Kenya loo heysto dacwado dhowr ah oo la xiriira dilal wariyaal.

Afhayeenka maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya C/laahi Maxamed Muuse “Keyse” oo warbaahinta kula hadlay Mqudisho ayaa sheegay in makamadda cidiamadu heyso dacwooyin ay ninkaas kazoo gudbiyeen qoysas Soomaaliyeed.

Afhayeen Keyse ayaa sheegay in ninkaas loo heysto dilalkii loo geystay:

1- Cali Iimaan Sharma’arke oo ahaa milkiilihii shirkadda warbaahinta Hornafrik ee Alshabaab markii dambe la wareegeen.

2- Siciid Tahliil Axmed oo ahaa agaasimihii idaacadda Hornafrika

3- Sheekh Nuur Maxamed Abkey oo ahaa tifaftirihii wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

Keyse ayaa ugu dambeyntii sheegay in marka ninkaas loo soo gacan geliyo dowladda Soomaaliya lasoo taagi doono maxkamadda ciidamada.

Ninkaan lagu sheegay Xasan Xanafi ee ay Nairobi ku qabteen ciidamada Kenya ayaa diiday inuu yahay Xasan, wuxuuna xusay in lagu khaldamay, hase ahaatee dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah Kenya u weydiisatay iney usoo gacan geliso.

Mareeg Media

 

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %