Kenyan badan oo ka barakacay deegaano Alshabaab weerareen oo ka tirsan Laamu

Lamu – Mareeg.com: Dadka ku nool gobolka Xeebta Kenya ayaa bilaabay iney isaga cararaan tuulooyinka hoos yimaadda degmada Lamu, halkaasoo dhowr jeer Alshabaab weerraro dhiig ku daatay ka geysteen.

Sida ay sheegtay Laan-qeyrta Cas ee Kenya, boqolaal qoys ayaa ka bcararay guryihii ay ku lahaayeen deegaanada Mpeketoni iyo Witu iyo deegaanada ku xeeran oo ka tirsan degmada Lamu ee gobolka Xeebta dalka Kenya.

Laan-qeyrta Cas ee Kenya ayaa sheegtay in dadkaas boqolaalka ee guryahooda cabsida uga cararay ay u baahan yihiin kaalo.

“Qoysaskaasi ka barakacay goobahaasi waxay iminka u baahan yihiin caawinaad bini’aadanimo” sidaasi waxaa yiri Xasan Muuse oo ah agaasimaha hayada Laanqeyrta Casa ee deegaamadaas Kilifi iyo Lamu.

Xasan Muusa ayaa sheegay inay jiraan dad badan oo ka cararayaa deegaanadaasi iyo kuwo kale oo ka hayaamay deegaanada dagaalada ay ka dhaceen.

War kasoo baxay hayada laanqeyrta Cas ayaa lagu sheegay in ku dhawaad 606 qoys ay iminka ay guryo ka dhiganayaan xerooyin ku yaala deegaanada Kitile Mavuno iyo Poromoko.

Dadkaasi ayaa la sheegay inay ku jiraan 126 caruur ah iyo 33 ruux oo uur leh, kuwaasi oo hayada ay sheegtay inay u baahan yihiin cunto, hooy iyo caafimaad.

Ku dhawaad 70 ruux ayaa ku dhintay weerarada todobaadyadii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanka Mpeketoni oo ku yaala xuduuda ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Shan ruux oo lala xiriirinayo weerarkaasi ayaa todobaadki lasoo dhaafay kasoo muuqday maxkamad ku taala dalka Kenya.

Dowladda Kenya ayaa xabsiga dhigtay gudoomiyihii degmada Lamu ee gobolka Xeebta Ciisa Timamay, halkaas deegaano hoostaga oo ay ka mid tahay magaalada Mpeketoni Alshabaab dad badan ku laayeen.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245