Kenya:3-Nin oo ka shaqeeya basaska Nairobi oo khasab loogu qabeeyay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kenya:3-Nin oo ka shaqeeya basaska Nairobi oo khasab loogu qabeeyay

Arrin yaab leh ayaa ka dhacday Nairobi, markii saddex shaqaalaha kireeya basaska
(Matatu) ee ka dhex shaqeeya Kisumu, Donholm iyo Eastleight lagu khasbay Jimcihii
07/Feb/2013 inay qaataan qabays khasab ah oo ka dhacay meel bannaan ah.
Laba shaqaalaha kireeya basaska oo lagu kala magacaabay Juju iyo James ayaa lagu
sheegay inaysan laba bilood oogadooda biyo marin, waxayna arrintaasi sababtay in
dadkii rakaabka ahaa ay dhibsadaan.
“Rakaabka ayaa kasoo cawday raggaas lacagta uruuriya urta xoogga badan ee kasoo
kamkamaysa jirkooda, waana arrin liddi ku ah shaqadeena”. Sidaas waxaa yiri mid
kamid ah raggii soo abaabulay qabayska khasabka ah.
Saddexda nin ee loo qabeeyey ragga kale ee ay isku shaqada yihiin oo goobta soo
xaadiray ayaa ku yaboohay waxyaabihii loogu qabeeyey sida saabuunta iyo burush adag
oo wasakhda lagaga xoqo.
Intuu socotay qabayska khasabka ah ayaa mid kamid ah kuwa lacagta ka uruursha
rakaabka ayaa si kaftan ah wuxuu u yiri “Waa lasii wadayaa howshan illaa ragga
basaska ka shaqeeya ay nadiif noqdaan”.
Maxamed Jaamac Faarax
mjfaarax@gmail.com
madaxa xuquuqul-insaanka ururka wariyeyaasha
JUBBA INDEPENDENT JOURNALISTS

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!