Kenya: Xisbiga ODM oo dowladda ka dalbaday iney ciidamada ka saarto Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kenya: Xisbiga ODM oo dowladda ka dalbaday iney ciidamada ka saarto Soomaaliya

Nairobi – Mareeg.com: Xisbiga mucaaridka ah ee Kenya ee lagu magacaabo Orange Democratic Movement (ODM) ayaa ka dalbaday dowladda Kenya iney la timaado khariirad cad oo ciidamada looga saarayo dalka Soomaaliya, sidaa waxaa qoray wargeyska The Standrd ee kazoo baxa Nairobi.

Ku-simaha hogaamiyaha xisbiga ODM, Anyang’ Nyong’o ayaa u sheegay The Standrd iney xilligaan markale ku qasabnyihiin iney dowladda xilka heysa ee Kenya ka dalbadaan iney ciidamada kazoo saarto Soomaaliya.

“Waxaan ku qasbanahay inaan markale soo jeedino su’aasha ah: Gorrmee ciidamadeenu kazoo baxyaan Soomaaliya?, Muxuu yahay qorshaha soo bixitaanka ciidamadeenna?, Aaway qorshii nabadda ee ahaa Kenya oo nabad ah iyo Soomaaliya oo degan?” ayuu yiri Anyang’ Nyong’o.

“Kenya wax wey ka sameysay Soomaaliya, annagana waxaa na gaaray dhibaato nagu filay, marka waxaan ku qasbanahay inaan mar kale ka dalbano dowladda iney la timaado khariirad cad oo ku saabsan kasoo bixinta ciidamada Kenya ee dalka Soomaaliya” ayuu sidoo kale yiri Anyang’ Nyong’o.

Sii hayaha xilka gudoomiyaha xisbiga ODM ee Kenya, Anyang’ Nyong’o ayaa sheegay in Kenya ay dhibaato kala kulantay gelutaankeedii dalka Soomaaliya, isagoo xusay in dalku noqday meel amaanku kasii xumaanyo, kadib markii saida uu yiri ay milateriga Kenya galeen Soomaaliya oo ah meel soo jeedata argagixisada.

Anyang’ Nyong’o ayaa ku eedeeyey dowladda Kenya ee uu taladeeda hayo xisbiga Jubilee ineysan wax u qaban dadka Kenyanka ah ee dadiikii ay jeclaayeen ku waayey dagaalka Soomaaliya iyo weerarada ka dhaca gudaha Kenya.

Xalay iyo habeen hore ayaa qaraxyo sababay dhimasho iyo dhaawac ka dahceen magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa ee dalka Kenya.

Bishii October ee sanadkii 2011 ayaa ciidamada Kenya gudaha u galeen Soomaaliya, iyagoo sheegayey iney la dagaallamayaan Alshabaab oo weeraro ka geystay dalkooda, hase ahaatee weeraradii ayaa sii laxaadsaday.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More