Madaxweyne ku xigeenka dalka Wiliam Ruto ayaa ka dhoofay dalka, isagoo u ambabaxay magaalada Hauge ee wadanka Holand, si uu uga qeyb galo dhageysiga dacwada ka dhanka ah ee ka socota xarunta maxkamada dambiyada dagaalka caalamiga ah ee ICC.
Mr Ruto ayaa ICC ku maqnaan doona mudo 5 maalmood ah, kalkaasoo halkaasoo ay qasab ku tahay in uu ku sugnaado si uu goob joog uga ahaado dhageysiga kiiska ay sida wada jirka ah u wajahayaan isaga iyo wariye Joshua Arap Sang.
Mr Sang ayaa isagu maxkamada ku sugnaa tan iyo 12-kii bishaan markaasoo uu maxkamada soo istaagay marqaatiga 28-aad.
Qeybta dhageysiga ee dacwada ee hada lagu guda jiro ayaa lagu wadaa in ay dhamaato 6-da bisha February ee soo socota, xiligaasoo fasax la gali doono ilaa 3-da bisha xigta ee March.
Garsoorka maxkamada ayaa ka dhowraya xafiiska dacwad oogayaasha in ay kiiskaan kusoo af jaraan ilaa bisha March.
William Ruto iyo arab Sang ayaa wajahaya kiis dacwadeed oo la ku saabsan eedeymo iyaga loo heysto oo la xiriirinaya ku lug lahaanshaha qalalaasihii dalka ka dhacay 2007/2008.
Rabshadahaas oo dhacay xiligii doorashada ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 1,133 qof halka dad gaaraya 650,000 oo qof oo kalena ay ku bara keceen.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.