Qaraxyo dhiig daadiyey oo kusoo laabtay labada magaalo ee ugu waaweyn Kenya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Qaraxyo dhiig daadiyey oo kusoo laabtay labada magaalo ee ugu waaweyn Kenya

Nairobi – Mareeg.com: Laba qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen, 50 kalena ay ku dhaawacmeen laba qarax oo shalay galab ka dhacay waddada Thika Road ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Qaraxyada ayaa ka dhacay guddaha labo gawaarida dadweynaha ah oo ka tagay bartmaha magaalada kuna sii jeeday deegaanka Githurai.

Moses Ombati, oo ah ku xigeenka Taliyaha Booliska Nairobi, ayaa sheegay, in 2 Bas oo marayay wadada Thika la qarxiyay.

Dadka ku dhaawacmay qaraxyada waxaa ka mid ah shan carruur ah, waxaana dhaawacyada la geeyay isbitaallada Kenyatta, Aga Khan iyo Gurunanak Hospital.

Weerar kan la mid ah ayaa habeen hore ka dhacay magaalada xeebta ku taal ee Mombasa, kaasoo ay ku dhinteen 3 ruux, waxaana sii kordhaya rabshadaha Kenya ka socda iyo falalka amni daro.

Alshabaab ayaa horay wacad ugu martay inaan Kenya deganaan heli doonin ilaa ay ciidamadeed oo jooga Jubooyinka kala baxdo dalka Soomaaliya.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More