Kenya Oo Xuseysa Sanad Guuradii 50-aad Ee Xorriyadda Iyo Madaxweyne Xasan Oo Ka Baaqday

Nairobi, Mareeg.com: Dalka Kenya waxaa maanta loo dabaal degayaa sanad guuradii 5-aad ee kazoo wareegtay markii dalkaasi ka xoroobay gumeysigii Ingiriiska.

Madaxweynaha Soomaaliya oo la filayey inuu ka qeybgalo xuska nus qarni ee kazoo wareegay xorriyadda Kenya ayaa ka baaqday, waxaana badelkiisa Kenya gaaray gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Gudoomiye Jawaari oo warbaahinta la hadlay ka hor inta uusan ka dhoofin garoonka Aadan Cadde ayuu warbaahinta u sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu u wakiishay inuu dalka Kenya kala qeybgalo xuska sanad guurada 50-aad ee xorriyadda, isagoo tilmaamay in madaxweynuhu ku mashquulsan arrimo dastuuri ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku mashquulsan soo xulashada R/wasaare dalka ka saari kara marxaladda lagu jiro, taas ayaana sabab looga dhigay baaqashada madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan ayaa bishii hore ka baaqday shir madaxeedkii wadamada Carabta iyo Afrika, iyadoo xilligaas uu matalay gudoomiyaha baaarlamanka Prof. Jawaari.

Mareeg.com