Kenya oo xirtay nin Muslim ah oo loo heysto inuu dhaqaale ku taageeray Alshabaab * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kenya oo xirtay nin Muslim ah oo loo heysto inuu dhaqaale ku taageeray Alshabaab

Mareeg.com: Ciidamada booliska dalka Kenya ayaa sheegay iney xireen nin looga shakiyay in Alshabaab uu ka caawin jiray dhaqaalaha. Ninkaan waxaa lagu qabaty gobolka Xeebta Kenya oo ay ku badan yihiin dadka Muslimiinta ah.

Taliyaha ciidamada booliska ee magaalada Mombasa, Robert Kitur ayaa sheegay iney qabteen 45 sano jir lagu magacaabo Cabdalle Saalim Bindo, kaasoo loo heysto inuu Alshabaab dhqaale ku taageeri jiray.

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay in uu dhalinyarada ka qori jiray deegaanada Likoni iyo Kwale oo ka tirsan gobolada Xeebta ee dalka Kenya.

Taliyaha ayaa sheegay in ruuxaasi ay ka qabteen maqaayad ku taala Mombasa iminkana ay su’aalo weydiinayaan ciidamada amaanka ee dalka Kenya.

Robert Kitur ayaa tilmaamay in dib dambe ay ka faahfaahin doonaan arrinta Cabdalle Saalim Bindo oo ka mid noqonaya Muslimiin badan oo Kenya ugu xirran arrimo la xiriira eedeymo ka mid ahaasho Alshabaab.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!