Kenya oo xayiraad duulimaadka ah saartay Kismaayo

Read Time:48 Second

War kasoo baxay Hay’adda Duullimaadka rayidka Kenya ayaa waxaa amaro cusub oo dhinaca duulimaadka ah lagu soo rogay Diyaaradaha ka duula Garoonka Diyaaradaha Magaalada kismaayo ee ku wajahan Magalada Nairobi ee dalka Kenya.

Amarkaan ayaa lagu shaaciyey in Diyaaradaha ka baxa Kismaayo ee ku wajahan Nairobi ay sii maraan Magaalada Wajeer si loogu sameeyo baaritaan la xiriira dhinaca Amniga.

14-kii Bishii la soo dhaafay ee November ee sanadkaan 2019 ayaa kulan ay Magaalada Naiirobi ku yeesheen Madaxweynayaasha Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxaa ay ku kala saxiixdeen heshiis ku saabsan in Diyaarada ka baxda Muqdisho ay si toos ah u tagto Nairobi,balse kuwa ka baxa Magaalooyinka kale ee dalka ay sii maraan Magalada Wajeer.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa dhibaato waxaa ay kala kulmaan sii marista Magaalada Wajeer oo siweyn loogu baaro,waxaana dhowr jeer Dowlaha Soomaaliya iyo Kenya ay kala saxiixdeen heshiis dhigayey in diyaaradaha ay si toos ah u tagaan Nairobi,balse Kenya ay ka baxday Kenya.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.