Kenya oo u baroor-diiqeysa xasuuqii Jamacada Gaarisa * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kenya oo u baroor-diiqeysa xasuuqii Jamacada Gaarisa

Mareeg.com: Dalka Kenya ayaa waxaa maanta ka bilowday 3 maalmood oo baroor-diiq loo sameynayo dadkii ku dhintay weerarkii ka dhacay khamiistii lasoo dhaafay Alshabaab ku qaadday Jaamacadda Gaarisa, kaasoo lagu laayey arday u badanaa Kiristaan.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku dhawaaqay baroor-diiqda saddexda maalmood ah, wuxuuna sheegay in hoos loo dhigayo calanka dalka.

Weerarkaasi oo ay mas’uuliyadiisa sheegatay xarakada Shabaab ayaa waxaa ku dhintay 148 qof oo ardey u badnaa.

Hay’adda Laanqeynta Cas ee Kenya ayaa sheegtay in ilaa iyo hadda la aqoonsaday meydadka 54 ka mid ah dadkii weerarka ku dhintay oo loo soo qaaday caasimadda Nairobi.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta, ayaa sheegay in uu xoojinayo dagaalka ka dhanka ah Shabaab.

Wuxuu meesha ka saaray wararka sheegay in dowladda Kenya ay gacan bidixeyso dadka Soomaalida ah iyo kuwa kale ee Muslimiinta ah.

Kenyatta ayaa tilmaamay in Soomaalida iyo Muslimiinta kale ee degan Kenya ay helaan xuquuq la mid ah tan Kenyanka kale, sida uu hadalka u dhigay.

Ardaydii ka badbaaday weerarka oo boqolaal ahaa ayaa loo daad gureeyey gobollada Kenya ee ay kasoo kala jeedaan.

Jaamacadda Al-Azhar ee dalka Masar ayaa cambaareysay weerarkii Gaarisa ee ardeyda lagu laayay.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!