Kenya Oo Somalia Ka Rabta Iney Soo Magacawdo Xubnaha Guddiga Dib U Celinta Qaxootiga * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kenya Oo Somalia Ka Rabta Iney Soo Magacawdo Xubnaha Guddiga Dib U Celinta Qaxootiga

Nairobi – Mareeg.com: Dowladda Kenya ayaa ugu baaqday dowladda Federaalka ee Soomaaliya in ay soo magacawdo xubnaha u matalaaya guddiga ka shaqeynaya howlaha dib dalkooda loogu daabulaayo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xeryaha Kenya.

Shir ka dhacay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya oo uu soo qaban qaabiyay Midowga Afrika ayaa looga hadlay sidii xal loogu heli lahaa mushkilada ka taagan qaxootiga tirada badan ee ku nool daafaha qaarada Afrika.

Xoghayaha arrimaha gudaha iyo isku xirka dowladda dhexe ee dalka Kenya, Joseph Ole Lenku ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya ay soo magacaawdo xubnaha uga mid noqonaya guddiga ka shaqeynaya dib u celinta qaxootiga Soomaalida ee ku nool Kenya.

Joseph Ole Lenku sheegay in dhinacyada ay khusayso arrimaha dib u celinta qaxootiga ay soo magacaabeen xubnaha u matalaaya howsha, isla markaana ka war sugayaan dowladda Federaalka Soomaaliya in iyaduna dhankeeda soo magacawdo xubnaheeda.

Wuxuu sheegay in haddii qaxootiga Soomaaliyeed dib loogu celiyo wadankooda ay qeyb weyn ka qaadan doonto horumarka wadanka isla markaana Hay’addaha caalamiga dib u dhisi doonaan Hay’addihii dowliga ee burburay.

Joseph Ole Lenku ayaa intaas ku daray in dib u celinta qaxootiga Soomaalida ay fursad u tahay Kenya in ay ku xaqiijiso ammaankeeda ayna dib usoo ceeshato deganaasho.

Sanadkii lasoo dhaafay waxaa dalka Kenya heshiis qaxootiga si iskood ah loogu celinayo dalkooda Soomaaliya ku gaaray Kenya, Somalia iyo UNHCR.

Xeryaha qaxootiga ee Kenya ayaa waxaa lagu qiyaasa in ay ku nool yihin inka badan 200,000- Soomaali oo ka cararay dagaaladii sokeeye ee dalka ka qarxay, kuwaasoo intooda badan ku nool xeryaha Dadaab iyo Kakuma.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.