Kenya oo sheegtay iney leysay qaar ka mid ah ragii xasuuqay rakaabki baska Mandheera * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kenya oo sheegtay iney leysay qaar ka mid ah ragii xasuuqay rakaabki baska Mandheera

Mareeg.com: Kenya ayaa sheegatay iney dishay 115 ka tirsan Alshabaab, kuwaasoo ay tilmaamtay iney ka dambeeyeen dadkii Kenyanka ahaa ee sabtidii lagu laayey meeli ku dhow degmada Mandheera ee gobolka Woqooyi Bari Kenya.

Madaxweyne ku xigeenka Kenya, William Ruto ayaa sheegay in milateriga Kenya ay burburiyeen qalab iyo xero laga soo abaabulay weerarkii lagu dilay 28 Kenyan ah oo rayid ahaa.

William Ruto ayaa sheegay in milateriga labo howlgal fuliyeen kadib markii dadkaas la laayey, wuxuuna yiri “Waxaan didiin xaqiijinayaa in kuwii dadka laayey aysan cashadii gaarin”.

Alshabaab ayaa beeniyey warka kasoo baxay dowladda Kenya, waxeyna sheegeen in ragii weerarka fuliyey ay nabad qabaan.

Sabtidii lasoo dhaafay ayaa koox hubeysan oo ka tirsan Alshabaab waxey gacanta ku dhigeen bas ka baxay Mandheera, kuna jeeday Nairobi, waxeyna dileen 28 ka mid ah dadkii baskaas la socday, kuwaasoo ahaa Kiristan.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!