Kenya oo sheegtay in weli Al Shabaab ay weeraro ka gaystaan gudaha dalkeeda. * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kenya oo sheegtay in weli Al Shabaab ay weeraro ka gaystaan gudaha dalkeeda.

Nairobi ( Mareeg.com)-Afhayeenka ciidamada milateriga ee dalka Kenya david abonyo  ayaa sheegay in weli Al Shabaab ay  Qatar xoogan ku tahay ammaanka dalkeeda oo ay fuliyaan weeraro ka dhan ah ciidamada dalka Kenya.

Mr abonyo ayaa xusay in weerarkii ugu dambeeyay ay dhawan Al Shabaab ku qaadeen gaari ay saarnaayeen qaar ka mid ciidamada milateriga ee Kenya kaasoo marayey deegaanka huluuqo ee ku dhaw xadka Kenya ay la leedahay Somalia,waxaan weerarkaasi oo la adeegsaday miinada dhulka lagu aasay ku dhaawacmay 5 askari sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Kenya.

dhinaca kale Al Shabaab ayaa sheegtay weerarka lagu qaaday ciidamada ka tirsan milateriga Kenya iyadoo afhayeen u hadlay xarakada Al Shabaab uu sheegay in weerarkaasi oo ay u adeegsadeen miinooyinka dhulka lagu aaso ay ku dileen askar tirsan ciidamada Kenya,waxaana afhayeenku  uu sheegay in ay sii wadi doonaan weerarada ka dhanka ah ciidamada dalka Kenya.

Weerarka lagu qaaday ciidamada Kenya ayaa imaanaya xilli dhawaan  saraakiisha ammaanka ee dalka Kenya ay sheegeen in Al shabaab ay ka saareen qaybo badan oo ka mid dalkeeda

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!