Kenya oo sheegtay in Bisha Ramadaan Shabaab ay qorsheynayaan weeraro ay ka geystaan dalkaasi * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kenya oo sheegtay in Bisha Ramadaan Shabaab ay qorsheynayaan weeraro ay ka geystaan dalkaasi

aliska Booliska Kenya, ayaa xaqiijiyay inay helayn macluumaad lagu kalsoonaan karo, oo sheegaaya in Ururka Al Shabaab ay qorsheeyen weeraro, bisha bisha Ramadaan ay ka gaystaan dalkaasi.

Taliyaha Booliska Kenya, General Joseph Boinnet, ayaa sheegay Kenya inay u diyaar garoobeyso, sidii ay kaga hortaggi laheyd weerarada la qorsheeyay, ee kaga soo wajahan dhinaca Ururka Al Shabaab.

Taliyaha oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Nairobi, ayaan sheegin goobaha ay weeraradaasi ku wajahan yihiin, haddiiba ay helayn xoggo lagu kalsoonaan karo oo weeraradaasi la xiriira.

Shacabka reer Kenya, ayaa wuxuu ugu baaqay inay la shaqeeyan laamaha ammaanka, soona sheegaan cid kasta oo ay kaga shakiyaan inay xiriir la lee yihiin Xoogaga Al Shabaab.

Dhanka kale General Joseph Boinnet, ayaa cadeeyay inaanay waxyeelo la kulmi doonin Muslimiinta reer Kenya, mudada lagu guda jiro bisha Ramadaan, isagoona balanqaaday inaanay wax hujuum ihi kala kulmi doonin hay’adaha amniga.

Hadalka ka soo yeeray Sarkaalkan, ayaa ku soo beegmaaya, iyadoo maanta gaadiid ay la socdeen Ciidamada Kenya lagu weeraray xuduuda Somaliya iyo Kenya, waxaana halkaasi lagu gubay mid ka mid ah gaadiidkaasi.

Afhayeenka Guud Ururka Al Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), ayaa bishii hore ee May ku dhawaaqay inay wax ka bedeleen hawlgalada ay ka fulinayan dalka Kenya, sida uu yiri.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!