Kenya Oo Sheegatay Iney Alshabaab Badan Ku Dishay Duqeyn Ka Dhacday Gobolka Gedo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kenya Oo Sheegatay Iney Alshabaab Badan Ku Dishay Duqeyn Ka Dhacday Gobolka Gedo

Nairobi, Mareeg.com: Saraakiisha milateriga Kenya ayaa sheegay in weerar dhinaca cirka ah oo shalay ka dhacay deegaan ka baxsan degmada Garbaharrey ee gobolka Gedo ay iyagu fuliyeen.

Milateriga ayaa sheegtay iney weerarka oo ay shalay diyaarado dagaal ka fuliyeen xero Alshabaab ku lahaayeen qaybo ka tirsan gobolka Gedo ay ku dileen ku dhowaad 30 sarkaal oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Kenya, oo ka gaabsaday in magaciisa la xigto ayaa u sheegay idaacadda Capital FM ee ku taalla Kenya in xog ay ciidamada Kenya heleen ay muujineysay in shir muhiim ah ay Al-Shabaab ku lahayd goobta la duqeeyay.

Sarkaalka ayaa sheegay in ay rumeysan yihiin in weerarkaas xubnaha uga geeriyooday Al-Shabaab ay ku jiraan kooxo ajaanib ah iyo in ay sidoo kale ku dhaawacmeen tiro aad u badan oo meleeshiyo ah.

Wuxuu tilmaamay in ay ku howlan yihiin sidii ay ku heli lahaayeen magacyada iyo dhalashada xubnihii lagu dilay weerarka oo ka dhacay agagaarka magaalada Garbahaarrey.

Afhayeenka milateriga Kenya Emmanuel Chirchir ayaa isaguna sheegay iney rumeysan yihiin in weerarkaas uu dirir uga badbaaday hogaamiyaha Alshabaab Sheekh Abuu Zubeyr.
Ma jiro wax war ah oo kazoo baxay Alshabaab, kazoo ku saabsan sheegashada miltaeriga Kenya ee ah iney dileen rag badan oo ka tirsan hogaankooda.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!