Kenya oo shaqada ka joojisay madaxii amaanka Gaarisa

Dowladda dalka Kenya ayaa waxa ay shaqada ka joojisay shan sarkaal iyo laba maamulo oo ka tirsan laanta booliska. Arrintan ayaa daba socota weerarkii Gaarisa ka dhacay oo ay ku dhinteen 148-qof.

Saraakiishaasi laga joojiyay shaqada waxaa ka mid ah gudoomiyaha Degaanka Garissa, Njenga Miiri oo markii hore madax ka ahaa deegmada Lamu, ee gobalka xeebta oo ah meel ay horay kooxda Al-Shaabab oo ay ku ku dileen 60 qof.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in saraakiishaasi ay suura gal tahay in ay ka warqabeen weerarrada dhici karay balse ay ku guul daraysteen in ay ka hortagaan.

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245