Kenya oo sarkaal lagu sheegay qunsul usoo magacaawday Kismaayo! * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kenya oo sarkaal lagu sheegay qunsul usoo magacaawday Kismaayo!

Kismaayo – Mareeg.com: Dowladda Kenya ayaa magaalada Kismaayo ee xarrunta gobolka Jubada Hoose u dirtay sarkaal lagu sheegay qunsul.

Shalay ayaa waxaa magaalada Kismaayo gaaray sarkaal madax ka noqonaya xafiis dublamaasiyadeed oo dowladda Kenya ay ka furaneyso Jubooyinka kaaso lagu magacaabo Hillary Yengu, waxaana masuulkani garoonka kusoo dhaweeyay madaxweynaha maamulka KMG ah ee Juba Axmed Madobe iyo xubno ka tirsan maamulkiisa.

Sarkaalka Kenyanka ah oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowladda Kenya ay dooneeyso in ay sii adkeeyso xirirka kala dhexeeyo maamulka Jubba, wuxuuna xusay in dhawaan ay xafiis ka furan doonaan gudaha magaalada Kismaayo.

Suldaan Xuseen Xasan Naaleeye oo ka mid duubabka dhaqanka kazoo jeeda Jubooyinka ayaa falka ay ku dhaqaaqaday Kenya ku tilmaamay mid lagu dhacayo dhulka Jubooyinka.

“Waxaa ayaan darro weyn ah in Kenya xafiis dublamaasiyadeed ka furato Kismaayo, iyadoo aan dowladda Soomaaliya lagu wargelin, gobolkaas gobol la dhacyo waaye, meeshaas Soomaalinimo wey dhamaatay, kuwa Soomaali e u eg ayaa cadow u dhacaya, marka arrintaasi waxey u taallaa baarlamaanka iyo madaxwyenaha Soomaaliya” ayuu yiri Suldaan Naaleeyey oo u warramay Radio Risaala.

Dowladda Kenya wax safiir ah uma joogo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana dad badan la yaabeen kadib markii ay maqleen iney xafiis dublamaasiyadeed ka furaneyso magaalada Kismaayo, halkaasoo ciidamadeedu Alshabaab ka saareen.

Itoobiya ayaa horay xafiisyo uga furtay magaalooyinka Hargeysa iyo Garowe, inakstoo ay Muqdisho ka howlgasho safaarad ay leedahay dowladda federaalka Itoobiya.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!