Kenya oo rabta in lagu wareejiyo Zakariye Ismaaciil & saraakiisha gobolka Gedo oo diiday

Read Time:42 Second

Mareeg.com: Dowladda Kenya ayaa ka dalbatay saraakiisha milateriga Soomaaliya ee gobolka Gedo iney usoo gacan geliyaan Zakariye Ismaciil Xirsi oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Alshabaab.

Dalabkaas waxaa ku gacanseyray saraakiisha hogaamisa milateriga Soomaaliya ee gobolka Gedo, sida uu xaqiijiyey Col. Cabaas Maxamed Gureey oo ah taliyaha Ciidamada Milatariga ee gobolkaas.

Col. Cabaas ayaa sheegay in aysan Kenya ku wareejineyn Zakariye Ismaaciil, wuxuuna xaqiijiyey in dowladda Kenya arrintaas codsatay.

“Waa jirtaa in Kenya dalbatay in loo dhiibo Zakariye Ismaaciil, markii ay warkaas maqleen ayey nala soo xiriireen, laakiin waxaan u sheegnay in ninkaas hoos jogo calanka Soomaaliya” ayuu yiri Col. Cabaas.

Sarkaalka ayaa sheegay in haddii ay ninkaas meel kale u wareejinayaan ay noqon doonto dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Zakariye ayaa Dowladda Mareykanka waxaa Sanadkii 2012 ay Madaxiisa Duldhigtay Lacag gaareeysa $3Milyan oo Dollar.

Mareeg Media

 

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.