Kenya oo qorsheyneysa iney darbi isaga xirto Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kenya oo qorsheyneysa iney darbi isaga xirto Soomaaliya

Mareeg.com: Warar ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta Kenya ayaa sheegaya in dowladda Kenya dooneyso iney darbi ku kala jarta soohdita ay la wadaagto Soomaaliya oo ah mid aad u dheer.

Dhismaha darbiga ayaa sida la sheegay laga bilaabayaa degaanka Lamu oo horay Alshabaab dad badan oo Kenyan ah ugu laayeen.

Gudoomiyaha deegaanka Lamu, Issa Timamy oo soo xigteen warbaahinta qaar ayaa sheegay in darbigaasi ka hortegi doono iney si fudud ku galaan Kenya dadka socotada ah ee sharci darrada ah.

“Dhismaha darbigaas wuxuu u bilaaban doonaa dhawaan, waxaana rajeneynaa inuu dhamaado ka hor dhamaadka sanadkaan socda” sidaas waxaa yiri Mr Timamy oo axaddii ka hadlayey hoolka shirarka Lamu “Faza Social Hall in Lamu”.

Dowladda Kenya ayaa ku fekertay qorshayaal ka gedasan oo lagu sugayo amaanka soohdinta ay la leedahaya Soomaaliya, kadib markii 90 ruux lagu dilay deegaanka Lamu bilihii June & July ee sandkii hore.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!