Kenya oo maxkamad soo taagtay 100 Itoobiyaan nolol raadis ah oo ku socday Koonfur Afrika

Read Time:54 Second

Mareeg.com: Boqol ah rag u dhashay dalka Itoobiya ayaa maanta la hor keenay maxkamad ku taalla magaalada Nairobi, iyaga oo lagu eedeeyay in ay si sharci darro ah ku joogeen dalka Kenya.

Raggan ayaa waxaa ka muuqday daal iyo rafaad badan, waxaana markii maxkamada la hor keenay dhulka ku dhacay oo suuxay labo ka mid ah.

Booliska ayaa sheegay in raggan ay xalay kasoo qabteen deegaanka Tasia ee duleedka Nairobi, iyaga oo ku dhuumanaya labo qol.

Madaxa waaxda booliska Kenya ee ka hortaga dembiyada, Noah Katumo, ayaa sheegay in raggan ay yihiin soo galooti sharci darro ah, ayna ku socdeen dalka Koonfur Afrika.

Dacwadooda ayaa bilaaban wayday, kaddib markii la waayay qof u turjimo, maadaama aanay ku hadli luuqad aan Amhari ka ahayn.

Waxaa la filayaa in maxkamadeyntooda ay dib u bilaabato maalinta beri ah, iyadoo aan la ogeyn in dib loogu celin doono dalkooda ama la sii deyn doono si ay socdaalkooda u sii wataan.

Dhalinyarada Itoobiyaanka ah ayaa sida Soomaalida u tahriiba dalka Koonfur Afrika si ay halkaas uga shaqeystaan, maadaama dalkooda ay shaqo la’aan ka jirto.

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %