Kenya Oo Maxkamad Soo Taagtay Soomaali Loo Heysto Weerarkii Westgate

Read Time:42 Second

Nairobi, Mareeg.com: Dalka Kenya waxaa maxkamad la horkeenay 4 Soomaali ah oo loo heysto iney xiriir la lahaayeen kooxdii bishii September ee sanadkii hore fulisay weerarkii xarrunta ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi, kaasoo lagu dilay 67 ruux.

Afarta nin ee maxkamadda la soo taagay ayaa waxay kala yihiin Aadan Maxamed Cabduqaadir, Maxamed Axmed Cabdi, Cabdullaahi Cumar iyo Xasan Mustafa.

Raggan oo lagu eedeeyay in ay xiriir la sameeyeen dableydii gaysatay weerarka Westgate oo lagu dilay 67 qof ayaa beeniyay eedeyntaas.

Afrataan eedeysane ayaa markii ugu horreysan kazoo muuqday maxkamad ku taalla Nairobi bishii November ee sanadkii 2013, waxaana lagu eedeeyey in ay gacan siiyeen urur argagixiso ah, ayna si sharci darro ah ku joogeen dalka Kenya.

Eedeysanayaasha ayaa beeniyey dacwadda loo heysto, hase ahaatee dowladda Kenya ayaa ku adkeysneysa iney wax ka ogaayeen weerarkii Westgate Mall.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.