Kenya oo markii afaraad Soomaali tarxiil ah ka dejisay Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kenya oo markii afaraad Soomaali tarxiil ah ka dejisay Muqdisho

Muqdisho – Mareeg.com:  Muwaadiniin Soomaali ah oo gaaraya ilaa 95 qof oo in muddo ah ku xirnaa xabsi ku yaalla garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi ayaa maanta dib loogu celinayay Muqdisho.

Dadka maanta lagu celiyay Muqdisho waxaa ku jira haween, carruur iyo kuwa da’ ah, kuwaasoo waqti dheer ku dhibaateysnaa xabsi ku yaalla garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta.

Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) oo ah danjiraha Soomaaliya u fadhiya Nairobi oo la socday dadka laga dejiyey Muqdisho ayaa sheegay in xabsiga garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ay ku hareen 19 qof oo ay diyaaraddu ka buuxsantay.

Danjiraha ayaa tilmaamay inay qorsheynayaan inay dalka dib ugu celiyaan dadka Soomaalida ah ee weli ku jira xabsiyada Kenya, isagoo Soomaalida ku nool dalka Kenya ugu baaqay inay ku dadaalan sidii ay u heli lahaayeen sharciyo ay ku joogi karaan Kenya.

Waa markii 4-aad oo Soomaali ku jirtay xabsiyada Kenya dib loogu celiyo Soomaaliya, tan iyo markii uu billowday howlgalka ay wadaan ciidanka Kenya ee la sheegay in lagu xaqiijinayo ammaanka.

Sidoo kale, waxaa jira dad badan oo laga daad gureeyey Nairobi, kuwaasoo la geeyey xerooyinka qaxootiga, iyagoo aan arrintaas raalli ka aheyn.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!