Kenya oo loo gacan galiyay rag lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen Weerar dad badan lagu dilay oo ka dhacay dalkaasi * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kenya oo loo gacan galiyay rag lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen Weerar dad badan lagu dilay oo ka dhacay dalkaasi

Dowlada Zambiya ayaa gacanta usoo galisay laamaha amaanka dalka Kenya afar nin oo Soomaali Kenyan ah, kuwaa oo lagu tuhmayo in ay ku lug lahaayeen Weerar dad badan lagu dilay oo lagu qaaday gaari Bas ah oo mararay duleedka magaalada Mandheera.

Wargeyska The Star ee kasoo baxa dalka Kenya, ayaa saakay qoray in Dowlada Zambiya ay Diyaarad milatari ay ku keentay dalka Kenya afar nin oo Soomaali Kenyan ah oo loo heesto in ay ku lug lahaayeen Weerar 22-kii November ee sanadkii 2014-kii lagu qaaday gaari Bas ah oo marayay duleedka Mandheera.

Weerarka ragan lasoo qabtay lagu tuhmayo ee ka dhacay Duleedka magaalada Mandheera ayaa lagu dilay 28-qof Kenyan ah , waxaana masuuliyada weerarkaasi horey u sheegtay Xarakada Al-Shabaab ,

Ciidamada amaanka dalka Zambiya ayaa ragan la tuhmayo kasoo qabtay Magaalada Lusaka ee Caasimada Dalka Zambia kadib markii laamaha amaanka Dalka Kenya ay baahisay qaar kamid ah Sawirada rag lagu tuhmayo in ay ku lug lahaayeen Weerarkii Mandheera.

Ragan Soomaali Kenyan ah ee laga soo qabtay dalka Zambiya ayaa lagu wareejiyay ciidamada la dagaalanka Argagaxisada, kuwaa oo baaritaano ku sameenaya, waxaana magacyada ragan lasoo qabtay lagu sheegay Ibrahim Adan Hassan, Abdullahi Maalim Bishaar, Adenkar Diin Dhaayow iyo Ahmed Kitti C/xakiim.

Dalka Zambiya ayaa sidoo kale laga baadi goobayaa nin kale oo isna lagu tihmayo in weerarkii Mandheera ku lug lahaa kaa oo isna magaciisa lagu sheegay Ahmed Aweys, waxa ayna booliiska Kenya xogta ninkan iyo sawiradiisa u gudbiyeen booliiska dalka Zambiya.

Dowlada Kenya ayaa dhawaan abaal marin lacageed madaxooda dul dhigtay afar nin oo loo heesto n ay ku lug lahaayeen Weeraro ka dhacay gudaha Kenya, ragan ayaana kala ah C/llaahi Diyaat, Idiris Isaaq, Axmed Aweys iyo Maxamed Shide, magacyada ragan ayaan ku jirin kuwa hada laga soo qabtay dalka Zambiya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!