Kenya oo ka hor tagtay Carruur ku biiri lahaa Al-Shabaab

Read Time:43 Second

Guddoomiyaha Gobolka Siaya Michael ee dalka Kenya ole Tialal, ayaa sheegay in shan Carruurta ah laga hortagay in ay ku biiraan Al-Shabaab kaddib markii la helay xog la xiriirta in halkaas lagu qorayay.

Hay’adaha amaanka dalka Kenya ayaa sheegay laba Nin oo midkood deggan yahay degganyahay Busia looga shakiyay in ay arrintan ka shaqeynayeen baaaritaanna ku socdo.

Guddoomiyuhu waxaa uu sheegay in sidoo kale Hay’adaha sirdoonka Kenya ay ka warhayaan laba Carruur ah oo sanadkii hore u baxsaday dalka Tanzania kuna biiray Al-Shabaab.

Shanta carruurta ah ee la badbaadiyay ayaa waxaa lagu qabtay Gobolka Homa Bay, iyaga oo ku wajahnaa Soomaaliya.

“Ninka la tuhmayo in uu Al shabaab Dhallinyarada uga qoro degaankaas ayaa sanado ka hor qaatay Diinta Islaamka,waxaa uu tababar u aaday Soomaaliya kaddibna dib uyuu ugu laabtay Kenya isaga oo qaabilsan qoridda dhallinyarada” ayuu yiri Guddoomiye Tialal.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.