Kenya oo ka hadashay weerarka lagu qaaday Saldhiga lamu

Read Time:41 Second

Dagaalyahannada ururka Al-Shabaab ayaa weerrar ku ekeeyay saldhig ay leeyihiin ciidammada badda oo ku yaal deegaanka Lamu ee waddanka Kenya, kaas oo ay wada deggan yihiin ciidammada Mareykanka iyo Kenya.

Weerrarka lagu qaaday saldhigga Simba ee degmada Manda Bay ayaa waxa uu dhacay waxyar un ka hor inta uusan waaga baryin.

Sarkaal ka tirsan dowladda deegaankaas oo lagu magacaabo Irungu Macharia, ayaa sheegay in ciidammada ammaanka ay weli ku jiraan howlgalka hasayeeshee waxa uu diiday inuu xaqiijiyo inay jirto cid weerarkaas ku waxyeelowday.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ay maqleen qarax kaddibna ay xigtay rasaas goobta ka dhacaysa.

Bar internet-ka ah oo lala xiriiriyay ururka Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegtay in qeybta isqarxinta ee ururkaasi ay khasaare culus gaarsiiyeen saldhiggaasi oo qeyba ka mid ah ay qabsadeen, waa sida ay bartaasi warka u dhigtayee.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %