Mareeg.com: Dowlada Kenya ayaa hshiis dhinaca is fahamka dhaqaalaha ah la saxiixatay dalka Algeria, si ay labada dal sare ugu qaadaan xiriirka iskaashiga ee wax soo saarka saliida iyo tamarta.
Wasiirada arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Kenya Amina Mohamed ayaa heshiiskaasi u saxiixday dhinaca Kenya, halka dalka Algeria uu matalayay dhigeeda wadankaasi Mr Ramtane Lamamra.
Munaasabada lagu kala saxiixday heshiiskaan taariikhiga ah oo ka dhacday xarunta madaxtooyada Algeria ayaa waxaa goob jog ka ahaa madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo raysul wasaaraha dalkaasi Abdelmalek Sellal.
Ambasador amina ayaa ganacsatada rer Aljeria ku soo dhaweysay in ay maalgalin ka sameystaan dalkani Kenya.
Arintaan ayaa la dhowrayaa in ay sare u qaado koroka dhaqaalaha iyo horumarka warshadaha ee labada dal, gaar ahaan soo saarista saliida iyo gaaska dabiiciga ah.
Wafdi uu hogaaminayo madaxweyne Kenyatta ayaa booqasho rasmi ah oo 3 maalmood ah waxa ay talaadadi uga bilaabatay Algeria, iyagoo kulamo dhowr ahna lasoo yeelanaya masuuliyiinta dalkaasi.