Kenya oo heegan ka gashay Alshabaab

Mareeg.com: Mas’uuliyiinta dowlada Kenya ayaa ka digey weerarro Alshabaab ka geystaan gudaha dalkaas, kadib markii 1-dii bishaan Mareykanku duqeyn ku dilay hogaamiyihii Alshabaab, Axmed Cabdi Godane oo loo yaqaanay Abuu Zubeyr,

Af-hayeenka ciidamada millatariga Kenya, Bogita Ongeri ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Xinhua in la kordhiyey tirada ciidamada ilaaliya xuduudda ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Xeebta iyo Waqooyi-bari.

Wuxuu tilmaamay in dalka la galiyay feejignaan ku aaddan ka hortagidda dhibaatooyinka laga yaaabo in Alshabaab qaab aargudasho ah uga geystaan gudaha Kenya.

Gobolka Xeebta Kenya ayaa waxaa ku firfircoon kooxo wadaado oo ka tirsan Alshabaab, waxeyna horay gobolkaas ugu laayeen dad badan oo Kenyan ah, kuwaasoo kor u dhaafay 70 ruux.

Tallaabada ayaa timid, kaddib markii diyaaradaha aan duuliyuhu wadin ee Maraykanku ay toddobaadkii hore duqayn ku dileen hoggaamiyihi Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa ku hanjabtay inay aarsan doonto dilka amiirkooda, waxayna hoggaamiye u magacowdeen Axmed Cumar Abuu Cubaydah.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245