Kenya oo dishay 5 hubeysan iyo USA oo tiri “Khatar ayaa jirta”

LAMU – Mareeg.com: Ciidamada Kenya ayaa sheegay iney 5 nin oo hubeysan ku dileen duleedka magaalada LAMU ee gobolka Xeebta Kenya, halkaas meel aan wax badan ka fogeyn maalmo ka hor Alshabaab ku dileen ilaa 63 Kenyan ah.

Sida ciiamada Kenya baahiyeen, 5 nin oo ku hubeysan qoryaha AK47 ayaa lagu dilay hawlgal ay si wadajir ah u sameeyeen ciidamada militariga iyo kuwa Booliiska Kenya.

Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Kenya ayaa barteeda Twitterka ku sheegtay in la dilay shanta nin isla markaana gacanta lagu dhigay hubkii iyo rasaastii ay wateen.

Xubno u hadlay Militariga Kenya ayaa sheegay in kooxdan lagu dilay iska horimaad ka dhacay dhul hawd ah oo ku yaal duleedka degmada Lamu.

Kooxdan ayaa la rumeysan yahay inay kamid ahaayeen kuwii weeraray magaalada Mpeketoni iyo tuulooyinka ku dhaw oo todobaadkan lagu dilay dad gaaraya 63 qof.

Dhanka kale, Waaxda arrimaha dibbadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in dalka Kenya ay ka jirto khatar ah in Al-shabaab ay weli weerarro ka geysanayso, iyagoo xusy in taasi ay caddeyn u tahay in amniga Kenya uu yahay mid aan weli la isku halleyn karin.

Hadalkan ayaa lagu sheegay in Al-shabaab ay tahay koox fir-ficoon oo marar kale weerarro ku qaadi karta Kenya, kaddib weerarro is-xigay oo kooxdan ay ka geysatay degmada Mpeketoni ee dalka Kenya, kuwaasoo ay ku dhinteen 63-qof oo askar iyo shacab isugu jiray.

Maraykanku ayaa uga digay muwaadiniintiisa inay safar ku aadaan Kenya inta joogtana ay la xariiraan safaaraddooda Nairobi si loo caawiyo haddii ay lasoo gudboonaadaan khataro dhinaca ammaanka ah.

“Amniga Kenya xilligan ma ah mid la isku haleyn karo, waayo Al-shabaab waxay awood u leeyihiin inay weerarto meel kasta oo ka tirsan Kenya, sidaa awgeed waxaan muwaadiniinta Maraykanka ah uga digaynaa inaysan xilligan Kenya u safrin,” ayaa lagu yiri warbixinta kasoo baxday waaxda arrimaha dibbadda Maraykanka.

Kenaya ayaa maaro u la’ Alshabaab, kuwaasoo markii ay kusoo weerartay Somaaliya, u daba maryeey dalkeeda, kadibna dad badan ku laayey, kana ceyriyey dalxiisayaashii tegi jiray gobolka Xeebta oo xad la leh Soomaaliya.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245