Kenya oo dirsataday Dayax Gacmeed * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kenya oo dirsataday Dayax Gacmeed

Nairobi ( Mareeg news ) Kumanaan dad ah ayaa isugu soo uruuray jaamacadda Nairobi si ay u daawadaan munaasabad dalka Japan ka dhacaysay oo xarigga looga jarayay dayax gacmeed maxalli ah oo lagu sameeyay gudaha kenya.

Saaynisyahano Kenyan ah, khuburro ka socotay dalka Japan, ardey iyo marti kale ayaa ku sugnaa jaamacadda oo maanta si toos ah u daawanayay tallaabadan taariikhiga u ah dalka kenya.

Dayaxgacmeedkan waxa uu ka duulay xarun ku taal Tokyo.

Samaynta dayax gacmeedkani waxaa Kenya ka caawisay dowladda Japan oo maalgelisay mashruuca, waxaana lagu sheegay baaxaddiisa 10 sentiimiitar oo afar gees ah.

Dowladda Japan ayaa bixisay 1 milyan oo doolar oo lagu sameeyay dayax gacmeedka balse waxaa gacanta ku haysay hagaajintiisa Kenya.

Dayax gacmeedkan ayaa Kenya ka caawin doona arrimaha beeraha iyo la socodka dhaqdhaqaaqa xebeehda.

Waxaana dayax gacmeedkani oo loogu magacdaray Nano hawada u dirtay waaxda caalamiga ah ee JAXA ee dalka Japan sacaaddu markay ahayd 2-dii duhurnimo.

Waxa ay arrintani Kenya ka dhigaysaa inay ka mid noqoto 6 dal oo qaarada Afrika ku yaalla oo dayax gacmeed hawada sare u diray.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!