Kenya Oo Diiday Codsi Uga Yimid Qaxootiga Soomaaliyeed Ee Xeryaha Dhadhaab * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kenya Oo Diiday Codsi Uga Yimid Qaxootiga Soomaaliyeed Ee Xeryaha Dhadhaab

Dhadhaab, Mareeg.com: Dowladda Kenya ayaa diiday codsi ay qaxootiga ku nool xeradaha Dhadhaab ku dalbadeen in muddada saddexda sano ah loo kordhiyo waqtiga ay kusoo noolaan karaan xeryahaas oo ah kuwa caalamka ugu ballaaran ee qaxooti ku noolyihiin.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya Joseph ole Lenku oo shalay booqday xerada Dhadhaab ayaa sheegay inaan laga noqon doonin go’aanka lagu heshiiyay ee ahaa in qaxootigu ku laabtaan Soomaaliya.

Joseph ole Lenku ayaa hay’adaha aan dowliga ahayn ee ka howlgala xeryaha faray inay u guuraan gudaha Soomaaliya, si ay u caawiyaan qaxootiga noqonaya.

Wuxuu sheegay inay tahay waqtigii ugu wanaagsanaa ee ay guryahooda ku noqon lahaayeen, isla markaana ay ka qaybqaadan lahaayeen dib-u-dhiska dalkooda.

Kenya, Soomaaliya iyo hay’adda qaxootiga adduunka ee UNHCR ayaa horraantii bishan saxiixay heshiis muddo saddex sano ah ay qaxootiga dib ugu noqonayaan Soomaaliya, si aan qasab ahayn.

Ole Lenku wuxuu sheegay inay arrintaan ka fikireen ka hor inta aanay saxiixin heshiiska saddex geesoodka ah.

Wafdiga dowlada kenya ee booqday Xeryaha Dhadhaab waxaa ka mid ahaa senatorka gobolka Garissa ahna wasiirka hore gashaandhiga ee dalka kenya Maxamed Yuusuf Xaaji, guddoomiyaha gobolka Garissa Nadiif Jaamac, xildhibaanka degaanka dhadhaab Dr, Maxamed Daahiye, madaxa arrimaha qaxootiga ee dalka Kenya Gitaalo iyo waliba mas’uuliyiin kale.

Wafdigan ayaa socod ku soo maray qaar ka mid ah xeryaha qaxootiga, iyagoo u kuur galayay xaalada dadka qaxootiga iyo sida ugu haboon oo dib loogu celin karo qaxootiga Soomaaliyeed oo in ka badan mudo labaatan sano ah ku noolaa xeryahaasi.

Wafdiga ayaa kulamo la qaatay horjoogayaasha xeryaha qaxootiga, iyagoo kala hadlay sidii ay qaxootiga u arkaan heshiiska sedax geesoodka ah oo ay kala saxiixdeen dowlada Soomaaliya, dowlada Kenya iyo hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR kaasi oo dhigaya in si nabdoon loo celiyo qaxootiga.

Inkastoo heshiiskaas sadex geesoodka ah uu dhigayey in qaxootiga Soomaalida aan xoog lagu celin ayaa haddana waxaa muuqata in Kenya ay ka go’antahay in qaxootigu dalkeeda u dhaafaan, iyadoo dowladdu aaminsantahay iney qeyb ka yihiin amaan xumadda dalkaas kusoo krorotay.

Ilaa hadda dad tiro yar ayaa muujiyey iney rabaan iney ku laabtaay Soomaaliya, iyadoo xeryahaas ay ku nooliyiin nus Malyuun qaxooti ah.

Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa mas’uuliyiinta Kenya ku weheliyay kulan ay la qaateen odayaasha xeryaha Dhadhaab.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!