Kenya oo dheereysay bandowga saaran gobolka Woqooyi Bari

Mareeg.com: Dowladda Kenya ayaa siyaadisay bandowga ay horay ugu soo rogtay gobolka Woqooyi Bari Kenya ee Soomaalidu degto.

Wasiirka Amniga Kenya, Joseph Nkaissery ayaa bil dheeraad ah ku daray bandawgii lagu soo rogay bil ka hor magaalooyinka gobolka Waqooyi Bari.

Mr Joseph Nkaissery ayaa sheegay bandowgan uu xoojinayay bandowgii bishii hore lagu soo rogay magaalooyinka Mandera, Wajir, Garissa iyo Tana River.

Sababta bandowga loo kordhiyey ayaa lagu sheegay in xaaladda ammaan ee dalkaas aysan weli aheyn mid degggan, bandowguna yahay mid lagu sugayo nabadgelyada.

Bandowgan ayaa waxaa uu dhaqan galayaa marka ay saacada geeska Afrika tahay 6:30pm, ilaa waabariga 6:30am.

Dadka ku nool magaalooyinka lagu soo rogay bandowga ayaa si weyn u cabanaya, iyadoo sheegay inuu saameyn xoog leh ku yeeshay ganacsigooda.

Bishii hore, Alshabaab ayaa weeraray jaamacadda magaalada Gaarisa, waxaana halkaas lagu dilay ilaa 148 qof oo u badnaa arday Kenya ah.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245