Kenya oo adkeysay ammaanka & labo looga shakiyey Alshabaab oo lagu qabtay xadka * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kenya oo adkeysay ammaanka & labo looga shakiyey Alshabaab oo lagu qabtay xadka

Mareeg.com: Dowladda Kenya ayaa adkeysay amaanka xarumaha muhiimka oo isku jira kuwa dowladda iyo rayidka ee ku yaalla magaalada caasimadda ee Nairobi.

Sirdoonka Kenya ayaa todobaadkan soo saarey digniino la xiriira in ururka al-Shabaab qorsheynayaan in ay weeraro ka geystaan meelo kamid ah magaalada Nairobi.

Goobaha amaankooda la adkeeyay waxaa kamid ah xarunta Baarlamaanka oo la sheegay in la qabtey nin kamid ah shaqaalaha Baarlamaanka oo lagu eedeeyay in uu ka shaqeynayay sidii loo weerari lahaa.

Sidoo kale amaanka labo kaniisadood ayaa la adkeeyay iyo weliba Jaamacadda Nairobi iyadoo laga cabsi qabo mintidin ka tirsan al-Shabaab in weeraro ka fuliyaan.

Dhanka kale, milateriga Kenya ayaa xadka uu dalkaas la wadaago Soomaaliya ku qabtay labo nin oo looga shakiyey iney ka tirsan yihiin Alshabaab oo ku socday Nairobi.

Wararka ayaa sheegaya in labada nin ee la qabtay laga yaabo iney ka mid ah 5 nin oo Alshabaab doonayaan iney gaaraan Nairobi si ay weeraro halis u geystaan.

Afhayeenka booliska Kenya, Ziporah Mboroki ayaa sheegay inaan milaterigu weli soo gaarisiin macluumaad buuxa oo la xiriira labada nin ee ay qabteen.

Alshabaa ayaa horay u weeraray Jaamacadda Gaarisa, waxeyna halkaas ku laayeen dad ka badan 140 qof oo u badnaa arday Kiristaan ah.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!