Kenya oo 600 ruux oo qabatay qaraxyadii Islii * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kenya oo 600 ruux oo qabatay qaraxyadii Islii

Nairobi – Mareeg.com: Ciidanka ammaanka Kenya ayaa howlgal ay maanta ka sameeyeen xaafadda Eastleigh (Islii) ee Nairobi waxay ku qab-qabteen ilaa 657 qof oo looga shakiyay inay ku lug leeyihiin falal ka dhan ah ammaanka.

Dadka la qabtay badankood waa Soomaali, maadaama xaafadda dadka laga raafay tahay xaafadda ay deganyihiin Soomaalida ugu badan ee ku nool caasimadda Kenya ee Nairobi.

Ciidanka ayaa howlgalka billaabay kaddib markii qaraxyo fiidkii Isniinta ka dhacay xaafadda ay ku dhimatay 6 qof, dhowr iyo toban kalena ay ku dhaawacantay.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Joseph Ole Lenku ayaa sheegay in howlgalka socda uu yahay mid lagu adkeynayo ammaanka xaafadda Eastleigh, uuna socon doono ilaa laga soo qaban doono kuwa geystay weerarka qaraxyada.

Ole Lenku ayaa ka codsaday dadka ku nool Nairobi inay booliska ka caawiyaan sugidda ammaanka iyo soo sheegidda cid kasta oo lagu tuhmayo inay wax u dhimeyso nabadgelyada.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii ciidamada Kenya xaafadda Islii ka qabteen ilaa 500 ruur, kuwaasoo loo heystay iney ku kaceen falal amaan darro iyo iney magaalada ku joogeen sharci darro.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!