Kenya oo 5 ruux u maxkamadeyneysa weerarkii jaamacadda Gaarisa

Read Time:57 Second

Mareeg.com: Dowladda Kenya ayaa 5 ruux u maxkamadeynaysa weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee horraantii bishii hore ee April lagu qaaday Jaamacadda Gaarisa, ee Alshabaab sheegatay.

Shantaan ruux oo lasoo taagay Maxkamad ku taalla magaalada Nairobi ayaa Afar ka mid la sheegay inay yihiin Keenyaan, halka kan kalena uu yahay Tanzanian, waxaa lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen weerarkii lagu dilay 148-ka qof oo u badan ardayda.

Raggan ayaa iska diiday dhammaan eedeymaha lagu soo oogay, waxaana dacwad-oogaha uu Maxkamadda ka sheegay illaa 162 dambiyo argagixisonimo ah, iyagoo noqonaya shaqasiyaadkii ugu horreeyay oo weerarka Jaamacaddii Gaarisa loosoo taago maxkamad.

Magacyada dadkii lagu dilay Weerarkaas oo u badnaa Arday ayaa Maxkamadda laga akhriyay, sida ay soo warisay Wakaaladda Wararka AFP.

Garsoorasha Maxkamadda Daniel Ogembo ayaa sheegay in dadkan lagu sii haynayo Xabsiga illaa 11 bisha June ee sannadkan, xilligaasoo dib la isugu soo laaban doono dhageysiga dacwada.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, iyadoo la xiriirisay Joogitaanka Ciidamada Kenya ee Qaybta ka ah AMISOM iyo Dhibaatooyinka ay ka Geystaan.

Weerarkii Jaamacadda Gaarisa ayaa ah kii ugu dhimashada badnaa ee Al-shabaab ka Geysato Gudaha dalka Kenya.

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %