Kenya oo 100 kun dollar ku raadineysa nin Jarmal ah oo ka tirsan Alshabaab * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kenya oo 100 kun dollar ku raadineysa nin Jarmal ah oo ka tirsan Alshabaab

Mareeg.com: Booliska Kenya ayaa ku yaboohay abaalmarin $100,000 (Boqol kun oo dollar) xarigga nin Jarmal ah oo lagu eedeeyay inuu ka qeybgalay weerar ay fuliyeen Alshabaab.

Andreas Martin Muller ayaa lagu eedeeyay inuu ka mid ahaa dableydii weererka ka geysatay saldhig militerigu ku leeyahay gobalka Lamu axadii lasoo dhaafay.

11 ka mid ah xagjiriinta iyo labo askarta Kenya ayaa ku dhintay weerarkaasi. Thomas Evans oo u dhashay UK ayaa sidoo kale ka qeybgalay weerarkaas oo lagu dilay.

Lacagaha lagu baadi-goobaayo, ayay sheegeen in la siin doono cidii xog buuxdo ka keenta hal uu ninkaasi ku sugan yahay, si Dowladda Kenya ay sharciga ula tiigsato.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!