Siyaasi dhalay mid ka mid ah weerarayaashii J. Gaarisa * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Siyaasi dhalay mid ka mid ah weerarayaashii J. Gaarisa

Mareeg.com: Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in la gartay mid ka mid ah 4-tii nin ee khamiistii lasoo dhaafay Jaamacadda Gaarisa weeraray ee dsilay in ka badan 140 ruux.

Ninka la gartay ayaa magaciisa lagu sheegay C/raxiim C/llaahi, waxaana dhalay Gudoomiyihii hore ee deegaanka Buulo Jamhuri oo ka tirsan degmada Mandera ee gobolka Woqooyi Bari Kenya.

Wiilkan ayaa ka qalin jebiyay dugsiga sare ee WAMY ee magaalada Nairobi sanadkii 2007, kadibna jaamacad ayuu galay oo uu sanadkii 2013 ka qalin jebiyay.

Sida ay qortay warbaahinta Kenya, C/raxiim ayaa ahaa arday ka qalin jebiyay kulyada sharciga ee jaamacad ku taal magaalada Nairobi.

C/raxiim ayaa la waayey muddo ka hor, waxaana la sheegay in qoyskiisu ay ka shaki qabeen inuu aaday Soomaaliya, si uu ugu biiro Alshabaab.

Afhayeen u hadlay wasaaradda Aminga Gudaha Kenya oo lagu magacaabo, Mwenda Njoka ayaa u sheegay in Cabdi Raxiim C/llaahi uu ka mid ahaa 4-tii ardayada ku xasuuqay Jaamacadda Gaarisa.

“Aabaha dhalay wiilka wuxuu soo wargeliyey laamaha amniga, wuxuuna u sheegay in wiilkaas la la’yahay, wuxuuna ciidamada ku caawinayey dabagalkiisa ka hor inta uusan wax ka weerarin Jaamacadda Gaarisa” ayuu Mwenda Njoka u sheegay wakaaladda wararka Reuters.

Dadkii ka badbaaday weerarkii Jaamacadda Gaarrissa ayaa sheegay in ragga dadka laayey ay si wanaagsan ugu hadlayeen afka Sawaaxiliga ah oo ah afka rasmi ah ee Kenya.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!