Kenya: Lama bixi doono ciidanka noogu jira AMISOM * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kenya: Lama bixi doono ciidanka noogu jira AMISOM

Mareeg.com: Kenya ayaa sheegtay inaysan kala bixi doonin Soomaaliya ciidamadeeda qaybta ka ah AMISOM, kaddib markii ay Al-shabaab joojinta weerarada Kenya ay shardi uga dhigeen iney ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka Kenya, William Ruto ayaa sheegay in ciidankooda ku sugan Soomaaliya ay la dagaalamayaan waxa uu ugu yeeray argagaxisada khatarta ku ah amniga Kenya.

“Waxey naga dalbadeen argagaxisadu inaan ciidamadeenna kala baxno Soomaaliya, si ay dhulkeenna u qabsadaan; innagu waxaan u sheegaynaa inaanan ciidamadeenna la bixi doonin” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Kenya.

Madaxweyne ku xigeenka Kenya, William Ruto ayaa sheegay in Alshabaab aysan ka guuleysan doonin, wuxuuna intaas ku daray in la joogo xilligii ay la dagaalami lahaayeen Al-shabaab.

“Waa mas’uuliyad wadareed in shacabka Kenya ay kawada qaybqaataan xoojinta amniga guud ee Kenya. Waa inaan joojinno ciyaaraha oo aan ka wada qaybqaadanno wax ka qabashada caqabada ammaan ee dalkeenna ka jira,” ayuu hadalkiisa ku daray Ruto.

Wasiirka arrimaha debadda Soomaaliya, C/salaam Cumar Hadliye ayaa dhawaan sheegay in ciidanka Kenya ay Soomaaliya ka bixi doonaan sanadka 2017.

Madaxda Xisbiga Mucaaridka ah ee Kenya, ODM ayaa dhowr jeer dalbaday in ciidanka Kenya laga saaro Soomaaliya.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!