Kenya iyo Alshabaab oo siyaabo kala duwan uga hadlay laheystaal lasii daayey

Dhoobley – Mareeg.com: Milateriga dalka Kenya ayaa sheegay in ay soo badbaadiyeen labo nin oo u dhashey oo reer Kenya kuwaas oo ay afduubteen Ururka Al-Shabaab sanadkii 2011-kii, halka Alshabaab sheegeen in ragas aan xoog lagu furan.

Afhayeen u hadlay milateriga Kenya ayaa sheegay in labada nin ay ku sugan yihin iminka xero milateri oo ay iska leeyihin Ciidanka Kenya oo ku yaalla degmada Dhoobley.

Labada nin ayaa u kala shaqeynayay Hay’addaha MSF iyo Care International, waxaana laga afduubtay xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Al-Shabaab ayaa bishii Febraayo ee sanadkan islaamisay labadan nin, waxaana inta kadib sheegeen in xor u yihin in ay ku noolaadan meesha ay doonaan.

Bar taageerta Alshabaab ayaa lagu qoray in ciidamada Kenya aysan xoog ku furan labadaas nin hase ahaatee Alshabaab geeyeen xadka Soomaaliya iyo Kenya, markaas kadibna ay qabteen ciidamada Kenya.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245