Kenya iyo alshabaab ku dagaalmay duleedka Baardheere

Read Time:35 Second

Iska horimaad hubeysan ayaa ku dhex maray xalay duleedka magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ciidamada Kenya iyo dagaalyahano ka tirsan Alshabaab.

Dagaalkan oo ka dhacay halka lagu magacaabo Juungal ayaa la sheegay in ay ka qeybqaateen diyaaradaha dagaalka ee dowlada Kenya.

Lama oga qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan hase yeeshee waxaa wararka ay sheegayaan in qasaare badan uu ka dhashay dagaalkan.

Al-shabaab iyo ciidamada Kenya midna kama hadlin dagaalka Xalay ku dhexmaray duleedka degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Ururka Alshabaab ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay kordhiyay dagaalada uu kula jiro ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada waxaana ay ku soo beegmayaan dagaaladan iyadoo lagu wado in toddobaadyada soo socda ay bilowdaan doorashooyinka ka dhacaya dalka.

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %