Kenya: Gudiga adeega macalimiinta oo ku hanjabay in ay badali doonaan Macalimiinta diiday Mandheera * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kenya: Gudiga adeega macalimiinta oo ku hanjabay in ay badali doonaan Macalimiinta diiday Mandheera

Mareeg.com: Gudiga adeega macalimiinta Kenya ee TSC ayaa ku goodiyay in ay gabi ahaanba badali doonaan macalimiinta ka howlgasha Countiyada gobolka Waqooyi Bari ee Garissa, Wajir iyo Mandheera, haddii ay sida ugu dhaqsiyaha badan shaqooyinkooda ugu laaban waayaan.

TSC ayaa ugu baaqay macalimiintaasi in ay shaqada iska xaadiriyaan ilaa 2-da bisha February, hadii kalena ay tallaabo ka qaadi doonaan.

Macalimiinta ayaa ku gacan seyray in ay dib ugu laabtaan shaqada iyagoo sheegay in ay ka cabsi qabaan amaan darada ay sheegeen in ay halkaasi ka jirto, kadib markii ay dabayaaqada sanadkii lasoo dhaafay ka dheceen weeraro argagixiso.

Hase ahaatee dowlada ayaa sheegtay in ay laamaha amaanka wax badan ka qabteen sugida amniga gobolkaasi, isla markaana haatan uu yahay mid nabdoon oo la isku haleyn karo.

Xog hayaha guud ee gudiga TSC Gabriel Lengoiboni oo soo saaray bayaan, ayaa sidoo kale amar ku bixiyay in lagu soo war galiyo macalimiinta dib u noqotay iyo kuwa aan wali noqonin.

Dowlada Countiga Mandheera, gaar ahaan wasaarada wax barashada ayaa shalay kulan ay u qabatay macalimiinta waxa ay ku baaqday in ay shaqooyinkooda mar kale halkaas ka bilaabaan.

Dhanka kale qaar ka mid ah macalimiintii kulankaas ka qeyb galay ayaa dhaliil u jeediyay xog hayaha guud ee ururka macalimiinta qaranka KNUT Wilson Sossion.

In ka badan 700 oo macalin oo ka howl gasha gobolka waqooyi bari ayaa ka biyo diidsan in ay ku noqdaan mandheera Garissa iyo wajir, taasoo walaac fara badan laga muujinayo.

Xigasho: Star FM

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!