Kenya: Dabley sii deysay dad rakaab ah kadib markii ay Quraam akhriyeen * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kenya: Dabley sii deysay dad rakaab ah kadib markii ay Quraam akhriyeen

Mareeg.com: Dabley hubeysan oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay weeraray gaari dadweyne ay la socdeen, kaasoo marayay deegaanka Nyangoro, ee hoos yimaadda Lamu.

Gaariga ayaa waxaa la socday ilaa 50-ruux dad gaarayay, kuwaasoo ka yimid magaalada Mombasa, kuna sii jeeday deegaanka Lamu oo ilaa 100-KM u jira Xuduuda Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan ciidamada KDF, GSU ee Kenya ayaa warbaahinta u sheegay in dableydaan weerartay bas ay leedahay shirkadda Tawakal.

Dableydan ayaa gaariga rasaas kaga furay taayarada baabuurka, kadibna ku amray dadkii saarnaa inay soo degaan, hase ahaatee dhamaan dadkii saarnaa ayaa ashahaatay, aqriyayna aayado quraan.

Mid ka mid ah dadkii saarnaa gaariga oo lagu magacaabo Abarufa Kokane ayaa sheegay in dhamaan dadkii gaariga la socday ay Muslim noqdeen, markii ay gebigood wada ashahaateen.

“Waxaan u qaadanay inay aheyd maalintii dunida noogu dambeysay, dadka rakaabka ah intooda badan waxay ahaayeen Muslimiin, waxay ku qeyliyeen Shahaadada, iyo aayado qur’aan, taasi oo ugu yaraan keentay in kooxdii hubeysneyd ay u wada qaataan dadkoo dhan inay Muslimiin yihiin” sidaas waxaa yiri Mr Kokane oo ka mid ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in baska ay la socdeen dad u shaqeeya dowladda Kenya, balse kooxdaas garan weysay.

Gudoomiye ku xigeenka deegaanka Lamu Fredrick Ndambuki ayaa u sheegay wakaalada Wararka ee AFP inay baadigoob ugu jiraan dadkii ka dambeeyay weerarkii Sabtidii shalay ka dhacay deegaanka Witu oo 50-KM u jira Lamu.

Weerarkaan aan dhiigu ku daadan ayaa yimid todobaadyo Alshabaab 28 ruux oo aan Muslim aheyn ku dileen deegaanka Mandheera ee gobolka Woqooyi Bari.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!