Mareeg.com: Ciidamada Dowladda Kenya, ayaa waxaa la sheegay in amar loo siiyay inay toogtaan cid kasta oo ay ku cadaato inay taageersan tahay Ururka Al Shabaab ee weerarada ka wada dalkaasi.
Golaha Amniga Qaranka Kenya, ayaa waxa uu saxiixay in la toogto shakhsi kasta oo lagu helo in uu ka tirsan yahay amaba gacan-saar uu la lee yahay Ururka Al Shabaab, oo laga maarmay in Maxkamad la soo taago, lana xiro.
Telefishinka Caalamiga ah ee Al Jazeera, ayaa maanta boggiisa hore waxaa ku soo baxay, warka la xiriira in laga maarmay in xarig loo adeegsado xubnaha lagu helo Shabaabnimada, taa bedelkeedana la toogto.
Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ee Kenya, ayaa u sheegay Al Jazeera in loo saxiixay waraaqo ay ku qoran yihiin inaan waxba looga qabsan doonin, haddii ay toogtaan ragga xiriirka la leh Ururka Al Shabaab.
Saraakiishu waxay kaloo sheegtay inaanay hadda ka dib iskuba mashquulin doonin in Cadaaladda la horkeeno dadka taabacsan Al Shabaab, haddii ayba dhacdo in gacanta ay ku soo dhigaan.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.