Kenya: Cabsi laga qabo in Alshabaab weerarto xarrunta baarlamaanka * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kenya: Cabsi laga qabo in Alshabaab weerarto xarrunta baarlamaanka

Mareeg.com: Warar uu soo saaray booliska dalk Kenya ayaa ka digay weeraro argagaixiso oo la rumeysanyahay in ay qorsheynayaan ururka Al-shabaab in ay ka geystaan gudaha dalka.

Ugu yaraan 12 ruux oo ka tirsan Al-shabaab ayaa laga shakisanyahay in ay diyaarinayaan weerar ka dhan ah xarunta baarlamaanka dalka, iyadoo booliska ay sheegeen in si weyn loo adkeyn doono dhamaan xarumaha dowlada.

Warbixino ay soo saareen laamaha sirdoonka ee dalka ayaa lagu sheegay in 6 ka mid ah dadka la tuhunsanyahay ay macquul tahay in ay ku suganyihiin gudaha caasimada Nairobi, halka 6-da kalena aan wali la ogeyn goobta ay ku suganyihiin, sida ay qoreen qaar ka mid ah jaraa’idka dalka.

Arintaan ku saabsan suurta galnimada weerarada ayaa timid xili ay masuuliyiinta safaarada Masar ee magaalada  tan Nairobi codsadeen in laamaha amaanka iyo amnigooda si weyn loo adkeeyo.

Masaarida ayaa dalbaday in la xaqiijiyo amaanka dhismaha safaarada, diplomaasiyiinta ka howlgasha, deegaanka iyo hay’adaha xaasaasiga ah ee Masar ay ku leedahay Nairobi.

War bixinta ay laamaha amaanka soo gudbiyeen ayaa lagu qeexay in weerarka looga cabsi qabo baarlamaanka uu abaabulayo mid ka mid ah hogaamiyaasha Al-shabaab, Mohammed Mohamud oo loo yaqaano Dulyadeen.

Alshabaab ayaa bishii September 2013 weerar ku qaaday suuqa weyn ee laga dukaameysto ee Westgate ee ku yaalla Nairobi, waxeyna ku dileen 67 qof oo isgu jiray Kenyan iyo ajaanib.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!