Kenya: Boqolaal ka tirsan booliska oo baaritaan lagu hayo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kenya: Boqolaal ka tirsan booliska oo baaritaan lagu hayo

Mareeg.com: Dalka Kenya waxaa guddiga madaxa babaan ee kormeera boolisku uu bilaabayaa baaritaan lagu sameynayo 684 askari, kuwaasoo loo heysto eedeymo kala duwan oo la xiriira gabood-fal iyo anshax xumo.

Siday ay qortay Star FM, 151 ka mid ah askarta la eedeeyey ayaa waxaa ku socda baaritaan la xiriira dilal dhacay saddexdii sanadood ee la soo dhaafay.

Dilalka loo heysto askartaan ayaa la sheegay in intooda badan ay ka dhex dhaceen xabsiyada dadka lagu xiro, waxaana badankood dhaceen sanadkii bilihii lasoo dhaafay.

132 ka mid ah askarta eedeysan ayaa loo heystaa iney ku lug lahaayeen falal dhaawacyo halis ah, halka 401 loo heysto falal anshax xumo ah.

Booliska Kenya ayaa la sheegaa iney ku kacaan xad-gudbyo ka dhan ah aadanaha, waxaana dadka dhibkaas la kulma Soomaalida ku nool Kenya iyo kuwa socdaalka ku tegay.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!