Kenya Biyaha Ay Dooneyso In ay naga qaadato Dhammaan Dhulka Soomaaliya Ayey Isla eg yihiin”. * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kenya Biyaha Ay Dooneyso In ay naga qaadato Dhammaan Dhulka Soomaaliya Ayey Isla eg yihiin”.

Muqdisho ( Mareeg)-Maxamad Cumar Carte Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukumada federaalka Soomaaliya oo kahadlayay dacwad kala dhaxeysa dowladda federaalka Soomaaliya, dowladda Kenya ee ku aadan dhicana badda ayaa waxa uu tilmaamay in Kenya doneso in ay xalaashato biyo baaxad ahaan la eg dhulka ay dagto Soomaalida.

Isagoo sii hadlayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Max’ed Cumar Carte ayuu daboolka ka qaaday in kheyraadka dalka gaar ahaan midka badda uu ku socdo boob xoogan , ayna iska jillaabtaan dowlado shisheeye, waxaana uu tibaaxay in looga gudbi karo midaas Ciidanka badda Soomaaliyeed oo la qalabeeyo.

Ciidanka Badda Soomaaliyeed ayaa shalay u dabaal dagay 51 sano guuradii ka soo wareegatay Aasaaskoodii.

Burburkii kadib waxaa meesha ka baxay awoodii iyo tayadii Ciidanka badda Soomaaliyeed taas oo keentay in dalka ay ka soo ifbaxaan kooxo burcadbadeed ah oo biyaha dalka ka qooleesta iyo Maraakiib shiisheeye oo iska gurta kheyraadka waddanka.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!